BOORAMA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Boorama ee Gobolada Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaana Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi uu shalay ka da’ay roobab dabeyla wata oo khasaare kala duwan gaystay.

Roobabkaan ayaa inta la ogyahay sababay dhimashada hal ruux qof ,sidoo kale roobabkaan waxay sababeen bur ur hantiyeed waxaana ka mida dhismaha Jaamacada Camuud.

Advertisement

Qofka dhintay waxaa ku soo dhacay tiirarka ama baalayaasha korontada mid ka mida markii uu madaxa kaga dhacay,waxaana baraha bulshada la soo geliyay muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon CCTV,waxaana la arkayaa ninka baalaha qaabka uu madaxa kaga dhacaayo kaasoo sida la sheegay aan naf dhulkaba la dhicin oo isla goobta ku geeriyooday.

Masuul ka tirsan Jaamacada Camuud ayaa sheegaya in xooga dabeysha ay dhulka dhigtay hoolkiii qalin jabinta iyo shirarka,Axmed Boqore oo ahaa masuulka hadlay ayaa intaasi ku daray in guud ahaan saqafkii saarnaa hoolka qalin jabita uu bur burey.

“inaga burburka jaamacada soo gaaray waxba maaha sababtoo ah dhimashaaba dhacday oo nin 40 jir ah ayaa baale koronto madaxa kaga dhacay Allaha u naxariistee”ayuu yiri Masuulka Jaamacada Camuud u hadlay

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here