LUUQ (DAYNIILE.COM)-Gobolka Geddo waxaa laga soo sheegaya dagaal beeleed dhowr qofood ku dhinteen kaasoo si gaara uga dhacay Magaalada Luuq oo hoos tagta Maamulka Jubaland.

Dagaal Beeleedka waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof oo dumar u badan mana jirto wax dhex dhexaadin degdeg ah oo maamulku ka gaystay xiisadaan khasaaraha nafeed keentay.

Advertisement

Warar ku dhaw dhaw dadka deegaanka ayaa sheegaya in Maleeshiya beeleedyada diriray ay gubeen Suuqa weyn ee degmada Luuq halkaasoo hantidii badan oo shacabku leeyahay ay ku jirto

Ugaas Cabdirashid Ugas Bilow Ugas Xandulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga uga waramay colaada ka soo cusboonaatay Magaalada Luuq.

Ugaaska wuxuu sheegay in maleeshiyo Beeleedku isku qabteen dhul dhinac kasta sheeganayo,wuxuu intaasi ku daray in hada waxoogaa la xakameeyay walow maleeshiyaadku wali is hor fadhiyaan oo dagaalna laga cabsqi qabo.

Ugaas mar uu ka hadlayay suuqa la gubay ayuu sheegay inuu ahaa qeybta bacadlaha ee dharka islamarkaana uu bas beelay.

“hada waa lagu jiraa waxaan rajeynayaa in xal la helo, magaalada daafaheda waxaa yaal meydadkii ilaa 5 ruux ,dhaawacyaduna waa sedex”ayuu yiri Ugaaska

Dhanka kale wuxuu walaac ka muujiyay in iska hor imaadyadaani yihiin kuwa abaabulan oo dhinacyao kale ay ka danbeeyaan iyadoo looga soo hor jeedo dowladnimada iyo nabada sida uu warka u dhigay Ugaaska.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here