MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa iska riixay fulinta doorashada qof iyo cod ee  Madaweynaha Soomaaliya marka la gaaro 2026 isagoona xusay inay waajib ka saaran tahay Xukuumada iyo Madaxtooyada.

Sheekh Aadan oo wareysi bixiyay ayaa daboolka ka qaaday in iyaga doorkoodu yahay sameynta shuruucdii loo mari lahaa doorashooyinka qof iyo cod balse fulinta laga rabo madaxtooyada iyo Xukuumada.

Advertisement

“anaga doorkeena waa inaan sameynaa shuruucdii loo mari lahaa laakiin fulinta waxay waajib ku tahay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha”ayuu yiri Gudoomiye Sheekh Aadan madoobe.

Mar uu ka hadlayay isaga sidey la tahay shaqs ahaan ayuu sheegay inuu aaminsan yahay in la qaban karo doorasho qof iyo cod ah balse ay ka horeyso in daacad laga wada yahay.

“waxaan aaminsahay in la qaban karo doorasho qof iyo cod lagana gudbi karo doorashadii baarlamaaniga ahayd balse waa in daacad laga wada yahay islamarkaana amniga laga wada shaqeeyo,dalkana laga saaro argagaxisada Alshabaab”ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.

Gudoomiyaha wuxuu carabka ku dhuftay in Baarlamaankii iyaga ka horeeyay aysan ansixin doorashada qof iyo cod sidaas oo kalana iyaguna aysan ansixin balse waa qodob ku qoran dastuurka in dalka laga fuliyo doorasho qof iyo cod ah.

“anaga waxaan ku kordhinay in shacabku doortaan Madaxweynaha ,waxaan is leeyahay waa la fulin karaa”ayuu yiri Gudoomiyaha

“hadii ay nala gaari weyso waa arkeynaa balse si ay taas noogu dhicin aniga waa in hada amniga laga shaqeeyo”ayuu mar kale yiri

Gudoomiyaha wuxuu si cad isaga riixay in fulinta doorashada dadweynaha inay jirto dhanka madaxtooyada iyo Xukuumada,wuxuu sharaxaad ka bixiyay inay iyagu shaqadooda qaarna qateen qaarna u harsan yihiin sida qodobadii dastuurka oo ay dhawaan ansixiyeen

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe (@AadanMadobe) / X

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here