BAYDHABO (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa sheegaya in saaka aroortii Alshabaab weerar culus ku soo qaadeen Deegaanka Goof-Gaduud Buurey oo 30KM u jira Baydhaba.

Alshabaab ayaa sedex jiho ka soo weeraray saldhig ciidan oo ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Koonfur-galbeed iyadoo la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Advertisement

Dadka shacabka ah ee ka ag dhaw halkaasi ayaa aad u maqlayay daryanka madaafiicda iyo rasaasta xooggan ee jihooyinka kala duwan ka dhaceysay mana jirto wax faahfaahin ah oo laga helay dagaalkani oo aad u xoogganaaa.

Deegaanka Goof-gaduud-Buurey waa halka laga difaacvo Magaalada Baydhabo oo ah xarunta Maamulka Koonur-Galbeed iyo xarunta Gobolka Bay.

Ma jirto warar madax banaan oo laga heay dagaalkaasi balse waxaa la rumeysan yahay inuu jiro khasaare dhinacyada kala gaaray madaama dagaalku ahaa mid qorsheysan oo alshabaabna ay sedex meel ka soo galeen degaankaasi.

Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan oo faahfaahiyaan iska hor imaadka iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here