Gaashaanbuurta NATO ayaa wada qorshe iyo ka hadalka sidii Dowlada Ukraine xubin rasmi ah ugu noqon lahay NATO xili dalkaasi intiisa badan ay dagaalo ku hayaan Ruushka oo diidan inay la bahoobaan reer galbeedka.

Masuuliyiinta NATO ayaa ku howlan oo wada  qorshooyin la taaban karo si loo dardargeliyo xubinnimada Ukraine ee NATO iyadoona lagu soo aadiyay shir madaxeedka toddobaadka soo socda ka dhacaya magaalada Washington.

Advertisement

Hadalka NATO ayaa imaanaya xili Ciidamada Ruushku ku jiraan gacantana ku haya inta badan dhulka UKraine islamarkaana ay dagaalo ka wadaan si ay u qabsadaan ama u maamulaan.

lama yaqaan sida NATO isu waafajineyso xubinimada Ukraine iyo xal u helida dagaalka ka socda dalkaasi madaama Ruushku ahayn dal yar oo ay ku armi karaan inay ka soo baxaan gudaha Dalka Ukraine tiiyoo ay u sii dheer tahay sababtii markii horaba keentay weerarka Ruushka inay ahayd damacooda ku biirista NATO.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here