Waxaa soo kordhaya wararka sheegaya in Madaxweynayaasha Maamulada Jubaland iyo Koonfur-Galbeed balantii uga baxeen Madaxweyne Xasan taasoo ahayd inay isla shaqeeyaan dhanka siyaasada.

Labada Maamul oo Xasan kula balamay inay kala shaqeeyaan dastuurka meel marintiisa iyo doorasho qof iyo cod ah in dalka la gaarsiiyo ayaa hada warar mugdi gelinaya ay soo baxayaan.

Advertisement

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qaaday talaabooyin maamulkiisa u qaas ah sida inuu doorasho uu isku camirayo inuu qabto  isagoona dhawaan Baarlamaanka marsaday in wax laga badalo dastuurka Jubaland kaasoo dhigaayay in laba jeer ka badan aanu masuul madaxweyne ka noqon karin maamulkaasi balse uu u badashay mid furan.

Sidoo kale wuxuu go’aansaday inuu doorasho dhawaan qabto iyadoo dhamaan talaabooyinkaan aan waxba laga talo gelin Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Hadaba waxaa iska cad hadii ay is dhinac maraan Madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe inay u kala dhamaatay Xamze iyo Xasan Sheekh madaama awood qeybsiga beelaha uu Xamze ka soo jeedo Jubaland.

Waxaa shaki badan la gelinayaa in Xamze sii ahaado Ra’iisulwasaare sidoo kale waxaa isna miiska la soo saaray oo isna kaba horeeyay Xamze Taliyaha Booliiska Sareeye gaas Sulub Axmed Firin oo la sheegayo in xilka dhawaan laga qaadayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Xasan Sheekh iyo Xamse Barre oo Dhambaal u diray Shacabka Somaliyeed –  HORUFADHI MEDIA |

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here