CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Wararka naga soo garaayo Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Gal-gaduud  ayaa shegaayo in ciidamadamacawisleydu ay saakay waaberigii weerar ku qadeen degaan hoostaga degmadaasi oo alshabaab fadhiisin u aheyd.

Weerarkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu ekeeyay maleeshiyaadkii ku sugnaay tuuladaas sida uu sheegay salkaal u hadlay ciidamada macawisleyda ceeldheer,wuxuuna intaasi ku daray inay sidoo kale ka eryeen alshabaab goobtaasi oo ay iyagu ku sugan yihiin.

Advertisement

Sarkaalka wuxuu xusay in ugu yaraan 5 dagaalame lagu dilay dagaalkaasi sidoo kalana hub iyo saanadna looga soo furtay isla kooxda alshabaab.

Sargaalka wuxuu intaa raaciyay in hal askari oo ku dhawacmay howlgalkaas u markii danbe u geeriyooday.

Tan iyo markii ay alshabaab soo weerareen degmada ceeldheer macawisleyda Mesegawaay iyo Ceeldheer oo kaashanaayo ciidamada xooga ayaa qadaayay weeraro qorsheysan oo mira dhal noqday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here