MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxa daqiiqado ka hor 12:00 saqda dhexe ee Caawa la saaray calanka Soomaliya madaama la xusaayay sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegatay markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taagay ciida Somalia islamarkaana Somaliya ka xorowday gumeystihii Talyaaniga qeybta Koonfureed ee dalka.
Madaxweyne Xasan oo caawa goob joog ka ahaa xaflada ayaa daqiiqado ka hor markii ay ku dhacday 12-ka saq dhexe wuxuu salaan sharaf ka qatay cutubto ka tirsan ciidamada Xooga kadibna waxaa la saaray calanka Soomaaliya.
Xaflada oo maanta soo bilaabatay ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta dalka u sareysay,xidlhibaanada, wasiirada,maamulka Gobolka Banaadir oo xaruntooda lagu qabtay,qeybaha bulshada iyo marti sharaf.
Dhanka kale Xaflada intii ay socotay ayuu madaxweyne Xasan wuxuu kalmadiisa ku soo daray dardaaran uu u jeediyay Soomaalida waqooyiga dalka ee reer Somaliland.
“Walaalaha gobollada waqooyi waxaan leeyahay dhulkiina ilaashada, maanta dhulkii la qaabto Soomaali uma soo noqonayo.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.