Taliyaha ciidanka booliska Soomaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto, Zakiya Xuseen Axmed iyo Taliyaha Howlaha gaarka ah ahna Taliye xagee ka ciidanka boolisk ee cusub S/Guuto, Cabdalla Cabdalla Maxamed.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday Taliska ciidanka booliska Soomaliyeed, ayaa waxaa xilka ku kala wareegey Taliye Xigeenkii hore ee ciidanka booliska iyo Taliyaha Howaha gaarka ah ahna Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ugu Mahadceliyey Taliye Xigeenkii hore ciidanka booliska, mudadii ay xilkaas ugu adeegaysay Bulshada Soomaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayaa soo dhaweeyey Taliyaha Howlaha gaarka ah ahna Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska ee cusub kulana dardaarmay in uu horey usii wado shaqada balaaran ee hortaala Xafiiska loo magacaabay.
May be an image of 3 people and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here