QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan waardiyayaal ilaalinayay baabuurta gargaarka, ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday dad sahay gargaar u doonanayay marinka Gaza gaar ahaan Khan Younis.

Sidoo kale 10-ka ruux ee la dilay waxaa ku jira Gabar la dhalatay Madaxa Xamaas Ismacil Haniyeh.

Advertisement

Khatar sare oo macaluul ah ayaa weli ka jirta Gaza iyadoo in ka badan 495,000 Falastiiniyiin ah ay soo food saartay cunto yari “masiibo ah”.

Dhanka kale Ugu yaraan 37,626 qof ayaa lagu dilay 86,098 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here