WASHINGTON (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalkaasi Joe Biden uu shalay saxaafada la wadaagay qorshe cusub oo horseedaya inay sharci helaan dadka soo galootiga ku ah Mareykanka.

Qorshahaan waxaa la sheegay inuu si gaar ah dan ugu yahay dadka Mareykanka hadaba ku nool balse aan heysan sharciga.

Advertisement

Dadka ka faa’iideysanaya qorshahaan waxaa ka mida dadka Mareykanka kula nool dadkooda oo sharci heysta tusaale nin ku jooga xaaskiisa oo sharci mareykan heysata iyo Xaas ku joogta in ninkeedu sharci heysto.

Waxaa kale oo Qorshahaan ka faa’iideysan doonan nus Milyan dad ah oo heli doona sharciga Dalka Mareykanka, Sidoo kale  carruurta aanan sharciga heysan ee Mareykanka ku noolaa 10-kii sano ee ugu danbeeyay ayaa sharci heli doona.

Dhanka kale waxaa jirta shuruud lagu xirey dadka sharcigaan doonaya inay helaan taaso ah inay Mareykanka ku noolaayeen muudo 10 sano ama wax ka badan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here