Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa soo saaray digniin iyo wargelin ku saabsan in shacabku ka feejignaadaan inay Muqdisho ku kaxeeyaan gaadiid aan lahayn taargo ama sumad lagu aqoonsado.

Qoraalka Taliska Booliiska ka soo baxay ayaa sidan u qornaa:-
WARGALIN MUHIIM AH.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray ogaysiin bulshada ku nool Muqdisho iyo hareeraheeda loogu sheegay in maanta kadib aan la ogolaa doonin gaadiid aan Taarigo laheyn oo maraya waddooyiinka Caasimadda.
“Fadlan muwaadin kala shaqey hay’adaha amniga sidii loo sugi lahaa amniga Caasimada oo gaariga ku xiro taariko, si loo garto sumadiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.May be an image of car, van and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here