Muqdisho, 17, Juun 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagey degmada Daarusalaam, ayaa halkaas wakhti kula qaatay boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dabaal dagayey farxadda maalmaha ciidda, taas oo muujinaysa amniga iyo nabadda ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, isaga oo ku dhiirigeliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dowladdu ay si buuxda u garab taagan tahay ganacsatada, si horumar loo gaaro, isla markaana lagala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay dalkooda horumarkiisa u istaagaan oo maalgashadaan, maadaama uu dalku yahay nabad, ayna jiraan fursado maalgasho oo horseedaya horumar dhaqaale iyo shaqo abuur, dalkana ka dhigaysa mid kobcaya”.

–DHAMMAAD–
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 11 people, horse and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of 3 people, crowd and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 people, camel and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 9 peopleMay be an image of 7 people and daisMay be an image of one or more people, crowd and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 9 people and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 13 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 6 people and wedding
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here