Ku dhowaad 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, howlgalkaas ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale howlgalka waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan, markii la weeraray Khawaarijta waxay qalanayeen Geel ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool.

Advertisement

Ciidanka Qaranka oo la socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta ayaa ogaaday in maleeshiyaad laga soo abaabulay aagga deegaanka Cowsweyne ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen dhulka howdka ah ee lagu bartilmaameedsaday.

Meydadkii Khawaarijta ayaa maanta daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here