Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta ayaa baraha bulshada ku faafiyay in Itoobiya noqon doonto Dalka ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland.

Sidoo kale wuxuu ku celiyay heshiis beenaadkii sharci darada ahaa ee ay bilowgii sanadkaan la galeen Muuse Biixi kaasoo dhigaayay inay saldhig Milatari ka sameystaan Xeebaha Somalia islamarkaana laga kireyn doono 20KM oo ka mida  Bada Somalia.

Advertisement

Warkaas Itoobiya ay dib usoo nooleysay kadib waxaa u jawaabay wasiirka difaaca Dowlada Somalia C/qaadir Maxamed Nuur kaasoo isna baraha bulshada gaar ahaan barta X qoraal kooban soo dhigay.

Wasiir C/qaadir wuxuu sheegay ineysan Itoobiya awood u lahayn inay hal taako xitaa ka qaataan Badda Somalia.

“Waa muctarif halka uu ku soo dhamaan doono damaca Itoobiya ee qar iska tuurka”ayuu yiri Wasiir C/qaadir

Wasiirka wuxuu ku tilmaamay damaca Itoobiya qof soo jeeda oo hadana riyoonaya.

Muuse Biixi oo qiil u raadinaya damaciisa ah inuu itoobiya dhul badeed siiyo ayaa bishii Janaayo sheegay inay u baahan yihiin aqoonsi sidaas daraadeedna ay itoobiya uga badalanayaan badda Somalia.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here