Yair Netanyahu oo ah wiil uu dhalay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo fadhigiisu yahay Mareykanka, ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay hadal uu ku weeraray militariga iyo sirdoonka Israa’iil, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen weerarkii 7-dii October ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.

Isaga oo ka falcelinaya go’aanka maxkamadda sare ee Israa’iil ee ah in la hakiyo baaritaanka lagu hayo hay’adahaas guul-darrooyinka suurtagalka ah ilaa Oktoobar 7, Yair Netanyahu wuxuu qoray:

Advertisement

“Maxay iskugu dayayaan inay qariyaan? Haddii aanay jirin khiyaamo qaran, maxay uga baqayaan xisbiyada dibadda iyo kuwa madaxbannaan inay hubiyaan wixii dhacay”ayuu yiri wiilka Netanyahu.

Natenyahu  ayaa si adag loogu dhaleeceeyay inuu si isdaba joog ah u diiday inuu qaado mas’uuliyadda fashilka dowladdiisa ee ka hortagga weerarkii 7-dii October.

Horaantii dagaalka, ra’iisul wasaaruhu wuxuu eeda u leexiyay laamaha sirdoonka ee Israa’iil.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Yair Netanyahu called to court over 'threatening' tweet against protest  leaders | The Times of Israel

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here