QAZA (DAYNIILE.COM)-Shan carruur ah oo kale ayaa ka mid ah tobannaan Falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaadday bartamaha iyo koonfurta Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Maamulka Israa’iil ayaa ka fiirsanaya inuu cunaqabatayn saaro PA iyo dalalka aqoonsan Falastiin, Milateriga Israa’iil ayaa ka digay in xudduudda u dhexeysa Hezbollah iyo Israa’iil ay dhalin karto dagaal ballaaran.

Advertisement

Askari Israa’iili ah ayaa la dilay ka dib markii lagu qarxiyay meel uu ku go’doonsanaa  koonfurta Qaza, maalin kadib markii 10 kale laga laayay askarta Israa’iiliyiinta.

Ugu yaraan 37,337 qof ayaa lagu dilay 85,299 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here