NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Bayaan ayaa ka soo baxay Urur ay ku mideysan yihiin garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka Kenya (KMJA)- kadib cabsi ka soo wajahday dhanka amaanka naftooda xiliyada ay ku jiraan shaqadooda caadiga ah.

Garsoorayaasha waxay si cad u sheegeen ineysan shaqeyn doonin Arbacada ilaa jimcaha sababo ay ku sheegeen amnigooda oo qatar ku jira kadibn markii dhowr maalin ka hor maxkamadda Makadara lagu dhex toogtay garsoore Monica Kivuti.

Advertisement

Waxay ugu baaqeeyn hay’adaha amaanka Kenya in mudada ay shaqada joojiyeen in wax lag qabto amniga Xarumaha Maxkamadaha Dalka.

Ururka ay ku mideysan yihiin garsoorayaasha dalka Kenya ee KMJA waxay soo jeediyeen in gabi ahaanba laga mamnuuco gudaha Maxkamada wax hub sheegta oo dhan.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in gudasha maxkamadaha laga mamnuuco af-xirashada afka qalaad loo yaqaan face-mask taaasoo iyadana ka qeyb-qaadaneysa sugida amniga maxkamada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here