MAKAH (DAYNIILE.COM)-Magaalada Makah ee Dalka Sucuudiga oo ay ku sugan yihiin ku dhawaad 2 milyan muslimiin ah oo gudanaya acmaasha Xajka ayaa la soo sheegayaa inay qaarkood u geeriyoodeen kuleylka daran ee dalkaasi ka jira.

Sida BBc-du sheegtay Ugu yaraan 14-qof oo u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleyl xooggan oo ka dhacay dalka Sacuudiga halka kuwa kalana la la’yahay oo baadi goobkooda lagu jiro.

Advertisement

Maasuuliyiinta dalka Urdun ayaa xaqiijiyay dhimashada 14-kaasi ruux iyo 17 kale oo la waayay meel ay cirib iyo jaan dhigeen xili ay ku guda jireen acmaasha Xajka.

Sidoo kale 5 ruux oo u dhashay dalka Iiraan ayaa iyagana ku dhintay Xajka walow aaney Dowladoodu faahfaahin sababta dhimshadooda inuu kuleylka yahay iyo in xanuuno kale ay jiran.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Saraakiisha Urdun ayaa sheegay in ay socdaan baadigoobka dadka la la’yahay.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here