NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mida Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Nairoobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa baaq nabadeed u direy labada Beelood ee dhawaan ku dagaalamay Gobolka Galgaduud kuwaasoo iska dila dad boqol ku dhaw.

Culumaa’udiinkaan oo ay ka mid yihiin Sheekh Shibili iyo Sheekh Faarax Jeeni-haar ayaa beelaha xasuusiyay dhibaatada aakhira laga helaayo dagaalka sharci darada ku dhisan ee dhiiga muslimka lagu daadiuo.

Advertisement

Sheekh Shibili wuxuu sheegay in kuwa dagaalamaya aysan aakhirana heyna ,adduuna heyn, wuxuu xusay in meesha lagu dagaalamayo uu yahay dhul saxara ah oo aan wax nacfiya lahayn.

“dhulka ay isku dilayaan malaha beer,malaha biyo, malaha batrool, malaha dahab , wax bay ahaan lahayd hadii walba meel nacfi leh isku heystaan”ayuu yiri Sheekh shibili.

Sidoo kale Sheekh Faarax Jeeni-haar ayaa isna nabad ugu baaqay beelaha ku dagaalamay dhawaan qeybo ka mida Gobolka Galgduud.

“dhulku dadka waa ku filan yahay  balse waxaa ka luntay dareenkii iyo wada noolashaanhihii umada somaliyeed” ayuu yiri Sheekh Faarax

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Sheekh Shibli (@SheekhShibli) / X

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here