QAZA (DAYNIILE.COM)-Dagaalyahannada Xamaas ayaa dilay 8 askari oo Israa’iili ah oo la socday gaadiidka dagaalka ee Rafah ka dib markii ay ku rideen baasuukayaal ka dibna ay weerar gaadmo ah ku qaadeen.

Weerarka Askartaan Yuhuuda lagu laayay oo dhacay sabtidii shalay ayaa noqonaya mid ka mid ah maalmihii ugu dhimashada badnaa askarta Israa’iil ee Gaza bilo gudahood iyadoo duulaanka dhulka ee ay ku qaaday gobolka koonfureed uu sii kordhayo.

Advertisement

Guutada Qassam, garabka hubaysan ee Xamaas, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in askartoodu ay fuliyeen weerar gaadmo ah oo lala beegsaday baabuurta cadawga xaafadda Sucuudiga ee degmada Tal as-Sultan, galbeedka magaalada Rafah.

Kooxda hubaysan ayaa sheegtay inay rasaasta Yassin-105 RPG ku garaacday cagaf-cagaf meleteri oo D9 ah, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tiro askar ah oo Israa’iiliyiin ah.

Gaadhi ciidamada badbaadada oo markii dambe yimid ayaa sidoo kale la weeraray, taas oo keentay in la burburiyo oo ay dhinteen dhammaan dadkii saarnaa

Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in siddeedda askari ay ku dhinteenhawlgallo ay ka fuliyeen koonfurta Qaza, iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.

Daniel Hagari, oo ah afhayeenka milatariga Israel, ayaa sheegay in baaritaan la bilaabi doono sida saxda ah ee uu u dhacay weerarka.

SOURCE AL-JAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Israeli troops

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here