Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa munaasabada Ciidul Adxaa oo beri ku aadan wuxuu ugu hambalyeeyay Ummada Soomaaliyed meel kasta ay joogaan.

Qoraalka Xasan Cali Kheyre oo uu soo dhigay bnartiisa Facebook ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee ciiddul-Adxa. Waxaan Alle ka baryayaa in uu naga aqbalo cibaadadii iyo acmaashii suubbanayd ee aan soo gudannay bishan barakeysan ee Carafo.

Ciiddu waa munaasabad farxadeed oo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna suubban. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku boorrinayaa kaalmeynta iyo farxad-gelinta masaakiinta iyo carruurta agoonta ah ee ku tabaaleysan daafaha dalka.

Ciid Mubaarak. Ciiddaan ciiddeeda Alle ha i nagu gaarsiiyo nabad, farxad, iyo caafimaad.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here