BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Laba dagaaleme oo ka tirsanaa Xoogaga alshabaab ayaa isaga soo baxay kooxdaasi waxayna isku soo dhiibeen Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur-galbeed.

Labada Nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xuseen Axmed Daahir iyo Xasan C/irashiid kuwaasoo mudo ka tirsanaa kooxda balse ugu danbeyn maanta ayay Baydhaba soo gaareen kadib markii ay la soo xiriireen maamulka Koonfur-galbeed.

Mar ay ka hadlaayeen sababta ay uga soo baxeen Alshabaab islamarkaana ay hada isu soo dhiibeen ayay ku sheegeen in la qalday markii hore, balse hadda ay hada go’aansadeen inay ka soo goostaan.

Advertisement
“waxaan  u dul-qaadan waaynay dhibaatooyinka dhanka  nolosha naga heystay gaar ahaan mida guud ahaan alshabaab ku heysta duurka iyo waliba weerarada dhanka Dowlada ka imaanayay”ayay mar kale ku sheegeen sababihii ay uga soo tageen alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and smilingMay be an image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here