MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku gacan seyray heshiis ay wadamada reer galbeedka ku gaareen in Ukraine ay siiyaan  lacag Ruushka uu leeyahay oo hore looga xanibay.

Wadamada G7 ayaa shir ay yeesheen saacadihii ugu danbeeyay waxay ku go’aamiyeen inay 5 Bilyan oo ruushka ka xanibneyd ay ku wareejinayaan Dalka Ukraine si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Ruushka.

Advertisement

Madaxweynaha Ruushka oo si kulul uga hadlay talaabada reer galbeedku qorsheynayaan ayaa ku hanjabay inuu ka aar gudan doono dalalka reer Galbeedka hadii ku dhaqaaqaan Talaabadaasi lacagtooda ay ku siinayaan Uraine.

Putin Isagoo ka hadlayay kulan uu maanta la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ay isku dayayeen inay la yimaadaan  nooc sharci ah oo lagu xayirayo hantidooda sidoo kalana ay ku bixinayaan.

Wuxuu intaasi ku daray inay reer Galbeedka ku ciqaabi doonan  xannibaadda hantidooda ay saareen.

Warka Madaxweyne Putin ayaa yimid kadib markii xubnaha Kooxda (G7) ay isku raaceen heshiis toos ah oo loogu talagalay in $ 50bn oo Ruushku lahaa la siiyo Ukraine si amaah ah iyadoo la adeegsanayo dulsaarka hantida Ruushka laga xayiray ka dib markii Putin uu ciidamadiisa u diray waddanka deriska ah bishii Febraayo 2022.

G7 wuxuu ka kooban yahay Kanada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka. Midowga Yurub .

Ka dib markii lagu dhawaaqay shirkii sanadlaha ah ee G7 ee Talyaaniga, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay in heshiiska hantida la xayiray uu ahaa natiijo muhiim ah iyo xusuusin kale oo ku socota Putin inaanan ka laabanayn

Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa isna diiday heshiiska jimcihii, iyadoo sheegtay inuu yahay warqado kaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Russia's President Vladimir Putin

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here