MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Axmed Macalin Xasan oo ah Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu soo dhamaaday Wajigii koowaad ee qorshaha dib u howlgalinta Diyaaradii Soomaali Airlines.

Masuulkaan wuxuu warbaahinta u sheegay in qorshahaani uu meel wanaahsan soo gaaray, islamarkaana la soo afjaray magacaabista gudigii ka shaqeyn lahaa dib u howlgelinta diyaaradii Somali Airlines.

Advertisement

“Gudigaan durba waxay ku wareejiyeen Wasiirka Wasaaradda Duulsta Hawada Soomaaliya warbixin buuxda oo ku aadan dib u howlgalinta Shirkadii diyaaradaha ee Soomaali Airlines”ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin Xasan

Tan iyo markii ay dhacday Dowladii Milatariga ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad ma dhaqeyn diyaaradii weyneyd ee Somalia Airlines.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Will Somalia Airlines return? – The Somalia Investor Magazine

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here