MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ahna ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ( Yabooh) ayaa si kulul u beeniyay war hore uga soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya.
Gudoomiye Yabooh oo wareysi siinayay Tv-ga Somali Cable ayaa wax laga weydiiyay isbad-badalka siyaasada Dowlada iyo aaminaad la’aanta ka imaan karta shacabka gaar ahaan arinta qabuuraha iskuul Booliisiya oo bishii hore Afhayeenka Booliisku beeniyay inay Dowladu dhulkaasi rabto ayaa isagoo careysan jawaabo ad adag bixiyay.

Gud.Yabooh oo ka jawaabayay warkii Afhayeenka Booliiska ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday isagoo si kululna u sheegay in warka afhayeenka uusan ahayn mid Dowlada ka soo baxay balse uu ahaa mid uu jeebkiisa ka soo baxsaday.
“go’aanka Dowlada wuxuu ahaa kii dhawaan soo baxay waxaas kale oo aad sheegeysaan maaheyn go’aan Dowladeed wuxuu ahaa mid qof shasiya uu iska yiri” ayuu yiri
Ku simaha gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo warka Afhayeenka sii daba taagnaa ayaa tilmaamay inuu yahay mid lagu qabsano karo.
“haduu nin kaligiis war iska sheegay  xageed ka keentay hadiio la dhaho  macnaha mar war dowluu ahaa”ayuu yiri Gudoomiye Yabooh
dhanka kale gudoomiye Yabooh ayaa Afhayeenka Booliiska Soomaaliya C/fataax wuxuu la mid dhigay danbiilayaasha maalin kasta Dowladu soo xirto.
“in la yiraahdo sheeg meeshaad warkaan ka keentay waxay la mid tahay  dadka maalin kasta la soo xirxiro”ayuu mar kale yiri Gudoomiye Yahooh.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person, slow loris and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here