Muqdisho 12, June, 2024: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa shirka ansixinta Qorshaha Istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota ku qabatay magaalada Muqdisho. Qorshahan Istiraatiijiyadda 5ta sano ee manta la ansixinayo ayaa waxa uu soo maray kulamo wadatashi oo xiriir ah kuwaas oo ka kala dhacay maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Benaadir isla markaana ka wada qayb galeen qaybaha kala duwan bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo hadlay munaasadda ansixinta qoshaha istiraatiijiyadda ayaa waxa uu sheegay in HSJ ay qayb wayn ka qaadato sugidda amniga xuduuddaha dalka la isaga kala gudbo laguna hubinta dadka soo geliya ama ka baxaya dalka, Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku ammaanay shaqaalaha iyo saraakiisha ka shaqaysa HSJ in ay shaqo culus u hayaan bulshada una sii dheertahay marka ay yimaadaan xaaladdaha deg dega ah ee loo baahdo fududaynta baasaboor bixinta.

Advertisement

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed oo dhankiisa ka hadlay munaasadda ayaa sheegay in Qorshahan manta la ansixiyay uu yahay mid lagu horumarinaayo kaabayaasha HSJ gaar ahaan xarumaha diiwaangelinta iyo Baasaboor bixinta, Sidoo kale, waxa uu sheegay Agaasimaha Guud in qorshahan qayb ka qaadanayo sidii sare loogu qaadilahaa Aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga, horumarinta aqoonta iyo xirfadda howlwadeenada iyo maamulka iyo Ilaalinta xudduudaha.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here