May be an image of ‎2 people, dais and ‎text that says "‎물 الحح በማይ والعمرة MINSTRY Mne STRYDP κΑυ መርባዱ!‎"‎‎

RIYADH (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa daboolka ka qaaday inuu Wasiirka Xajka iyo Cumrada ka codsaday sidii loo kordhin lahaa tirada xujeyda Soomaaliyeed inta sucuudigu hore u ogolaa oo ahayd 11,500 ruux (11kun iyo shan boqol).

Advertisement

Wasiir Rooboow oo wareysi siiyay TV-ga Qaranka ayaa sheegay inuu Wasiirka Xajka ee Sucuudiga uu u sharaxay in tirada dadka Soomaaliyeed ay ka badan tahay inta Dowladii Milatarga ay hore u shacisay ee ahayd 8-Milyan.

“waxan u sheegnay in Soomaalidu aad uga badan tahay tiradii 8-da milyan ee ay hore u sheegtay Dowladii Maxamed Siyaad ,aniga aabahey kaliya ayaa dhalay 11 ruux dad badan ayaana ka sii farcamay ,soomaalida oo dhana sidaas ayay u farcameysay”ayuu yiri Wasiir Rooboow.

Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay in codsigiisa la aqbalay iyo in kale wuxuu cadeeyay in wasiirka Xajka Sucuudigu ku soo celiyay dalab ah in Dowlada Soomaaliya ay tirakoob cusub sameyso taaasoo macnaheedu tahay shuruud dadban.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

May be an image of 6 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here