DADAAB (DAYNIILE.COM)-Koox hubaysan ayaa xalay afar ruux ku dileen tuulada Bogyar oo ku dhaw Dadaab oo hoos taga ismaamulka Gaarisa Kenya kadib weerar ay ka gaysteen tuuladaasi.

Tuuladaani Bog-yar ee dadka lagu laayay ayaa ku taalla bartamaha waddada xiriirisa magaalooyinka Garissa iyo Dadaab.

Advertisement

Afarta ruux ee la dilay waxaa la sheegay inay shaqaale ka ahaayeen dhisme ka socday Isbitaalka Tuulada Bog-yar oo loogu magac daray tuulada dilku ka dhacay,sidoo kale weerarkaasi waxaa ka badbaaday 3 ka mid ahaa shaqaalaha dhismaha ka waday.

Shaqaalaha dhisamaha ee la laayay waxaa la sheegay ineysan deegaanka u dhalan oo ay meelo kale uga yimaadeen shaqada.

Laamaha amaanka ayaa saaka tagay goobta inkastoo ay baxsadeen kooxihii weerarka soo qaaday kuwaasoo dadka qaar tuhmayaan inay Alshabaab ahaayeen.

Shacabka Tuulada Bog-yar ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaasi foosha xun ee dadka shacabka ah ee xoogsatada lagu xasuuqay,waxay ugu baaqeen ciidamada amaanka kenya inay soo qabteen dadkii falkaani ka danbeeyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here