DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Dhuusa-Mareeb lagu qisaasay oo lagu toogtay sedex nin oo ku eedeysnaa inay aano qabiil u dileen laba nin oo isla dhashay oo mida ahaa macalin Dugsi.

Sidoo kale labada la dilay mid ayaa qurbaha ka yimid waxaana hal mar ka taqalusay sedexda nin ee maanta Maxkamada Galmudug ay ku fulisay dilka toogashada ah.

Advertisement

Eedeysanayaasha goor dhaw la toogtay waxaa magacyadooda lagu kala sheegasy Nuur Cabdi Maxamed,Shuce Maxamed Farax iyo Bile C/laahi Xasan.

Allaha u naxariistee labada isla dhalatay ee hore loo dilay ayaa magacayadoodu kala ahaayeen Axmed Xasan Cusaan iyo Macalin iyo  liibaan Xasan Cusmaan.

Dadweyne badan,masuuliyiin iyo ciidamo ayaa goob joog ka ahaa marka dilka toogashada ee qisaasta ah lagu fulinayay sedexda nin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here