QANSAX-DHEERE (DAYNIILE.COM)- Maleeshiyaad ka tirsan kooda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay xalay weerar culus ku qaadeen xerada Ciidamada Ceel-bashiir oo ku taal Magaalada Qansaxdheere ee Gobolka Bay.

Xeradaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka K/galbeed ayay iska caabin kala hor tageen kooxda Alshabaab ee duulaanka ahayd.

Advertisement

Sida dadka deegaanku sheegeen dagaalka oo cuslaa ayaa qaatay saacado waxaana la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Laba war oo kala duwan ayaa dhinacyadu ku wada sheegteen mid kasta inuu isagu guul ka gaaray dagaalkasi,Saraakiisha Ciidamada Dowlada waxay sheegeen inay iska caabiyeen kana dileen maleeshiyaad dhanka alshabaab.

Sidoo kale Alshabaab ayaa iyagana barahooda internetka waxay ku baahiyeen inay weerarkooda ku dileen askar ka tirsan kuwa Dowlada ee ay weerarka ku qaadeen inkastoo aan laheyn warar madax banan oo cadeeya dhacdada iyo khasaaraha rasmiga ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here