XAWAADLEEY (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Somalia iyo macawisleyda ay ka soo baxeen mid ka mid degmooyinka cusub ee dhawaan ku soo biirey Gobolka .

Degada Xawaadleey oo dhawaan Maamulka Hirshabelle u aqoosaday degmo ahaan iyo tuulooyin hoos taga ayaa la soo sheegayaa inay ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Macawisleydu soo baneeyeen.

Advertisement

Dagaal-yahano ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa durba la soo sheegayaa inay soo gaareen qeybo ka mida meelahaasi ciidamadu soo baneeyeen sida ay sheegtay idaacada shabelle.

Saraakiisha Milatariga iyo masuuliyiinta Dowladu wali kama hadin dhibatada laga soo sheegayo Degmada Xawaadleey iyo tuulooyinka ku dhaw dhaw halkaasoo ciidamadioi Dowladu isaga soo baxeen kadibna alshabaabku qabsadeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here