Ina Hogaamiye-kooxeed

Hogaamiye kooxeed ” War Lord”, la casriyeeyay waxaa uu noqdaa Madaxweyne Maamul Gobaleed.

Advertisement

Hogaamiye Kooxeed, waxa uu ahaa Nin Hub iyo Ciidan ku heeysto Deegaanka Qabiilkiisa, Cashuur ka qaado, ku dhaqmo sharci isaga u gaar ah oo sidii uu doono uu u fuliyo, ku xiran Wadamo kale oo dantoodu tahay in Somali la kala fur furo. Qabiilada kale ee ku Hoos noolna waa in ay isaga ka dambeeyaan.

Waxaa bedelay Hogaamiye kooxeedkii, Madaxweyne Maamul gobaleed oo leh isla dhaqanka Hogaamiye Kooxeedka ee kor ku xusan.

laakin Magacii Quruxsaday oo Madaxweyne ka dhigtay, magacii Qabiilka u bedelay “State/Land”, Summaddii Xoolaha Qabiilku ku sunti jiray, ku bedelay Calan Qabiilku leeyhay oo Dadka lagu sunto, sumadda oo Funaanado ku sawiran ayaa loo galiyaa Dadka Xoolaha Beesha ah ama Xabadka, Wajiga iyo Gaadiidka Beeshaa lagu sunto.

Madaxweyne Maamul Gobaleed waa ina Hogaamiye kooxeed. Jug jug.. Meeshaada magac kale ku joog.

Qore:Yahya Amir

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here