BARDAALE (DAYNIILE)-Xiisada Dagaal ee maalmihii ugu dambeysay ka jirtay Magaalada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa yeelata waji kale markii siyaabo iska horjeeda ay uga hadleen Masuuliyiinta maamulka K/galbeed iyo mucaaradka maamulkaasi.
Masuuliyiinta K/galbeed waxay sheegeen in Maleeshiyaadka Bardaale kula dagaalamaya Ciidamadooda ay yihiin Alshabaab halka mucaaradka maamulka uu si weyn u beeniyay .
Xaniifa Maxamed Ibrahim Xaabsade oo Dowladii Farmaajo ka ahayd Wasiirka Haweenka ayaa ku eedeysay Madaxda sare ee Maamulka K/galbeed inay iyagu hurinayaan dagaalada ka jira magaalada Bardaale.
Xaniifa Xaabsade waxay sheegtay in ciidamada Bardaale ku sugan ay yihiin macawisleyda deegaanka islamarkaana ay waligood alshabab la dagaali jireen,waxay beenisay inay iyagu alshabab yihiin.
“Madaxda sare ee Maamulka K/galbeed ee waqtigoodu dhamaaday ayaa dabada ka riixaya colaada bardaale ka jirta iyagaana iska hor keenaya ciidamada dagalamaya”ayay tiri Xaniifa Xaabsade oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Maamulka uu hogamiyo C/casiis Laftagareen
wararku waxay intaasi ku darayaan in xiisadaani laga cabsi qabo inay si toos ah isugu badasho maamulka iyo mucaaradka oo aan isku fiicneyn madaama maamulku sheeganayo inuu Alshabaab kula dagaalayo Bardaale.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM