MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay Alshabaab ahaayeen ayaa xalay Magaalada Muqdisho waxay  ku dileen masuul ka tirsanaa Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Ninkaan oo lagu magacaabi jirey Mukhtaar Nuur Geeseey ayaa ahaa Gudoomiye ku xigeenka deegaanka Lafoole ee u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho inkastoo  lagu dilay Degmada Dharkeenleey xili uu hor fadhiyay guri uu halkaasi kaga sugnaa.

Advertisement

Masuulkaani waxaa la sheegay in dhowr xabadood lagu dhuftay oo midi ahaa dhanka kore ee jirkisa waxaana markii hore dhaawac ahaan loola cararay isbitaalka inkastoo markii danbe uu ku geeriyooday halkaasi.

Maamulka Degmada Dharkeenleey gaar ahaan waaxda labaad ee Xaafada Macalin Nuur oo dilku ka dhacay wali masuuliyiintu kama hadlay dhacdadaani sidoo kale maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliiska Xamar kama aysan hadlin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here