WAJEER (DAYNIILE.COM)-Wararka goor dhaw aan ka heleyno Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya inuu goor dhaw oo caawa ah geeriyooday ninkii dhawaan magaaladaasi ku dilay hooyadii.

Sida wararkii horaba lagu baahiyay markuu dilay hooyadiis ayuu isku dayay inuu baxsado isagoo wata baangad balse waxaa ka hor tagay dadka xaafada xiligaas aad loo garaacay markii la isugu tagay ilaa isagoo tacbaan booliisku yimaadaan.

Advertisement

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan inuu isbitaalka la dhigay sidii maalinkaas loo garaacayba oo xaaladiisa ayaaa liidatay,ugu danbeyn caawa ayuu ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiibaayay.

Sida sawirada aad ka arki kartaan sida loo garaacay isaga dhan dhiig baa korkiisa ka muuqda waliba waliba qeybaha kore ee jirkiisa.

Madaxa waxaa ka soo gaaray dhaawac sida waxaana ku xiran faashad sawirada ka muuqda marka isbitaalka la sii gelinaayay.

Wararkii ugu dambeeyay Wajeer laga helaayo markuu hooyadiis dilay kadib waxay sheegayaan inuu lacag darteed maamada u dilay taasoo lacag kenya many oo ahayd 200Kun oo u dhiganta 1500 Doolar taasoo ay faraqa ku heysatay isaga uu rabay inuu ka qaato madaama uu balwadiiste yahay.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here