BARDAALE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Bardaale ee Gobolka Bay ayaa sheegaya n Dagaal culus oo goor dhaw halkaasi ku dhex-maray ciidamada Maamulka Koonfur-galbeed iyo maleeshiyo Beeleed deegaankaasi ka soo jeeda.

Dagaalka wuxuu ka dhashay sida wararka aan ku helnay kadib markii Maleeshiyad beeleedku weerareen fariisimaha ciidamada Maamulka Koonfur-galbdeed waxaana la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kale duwan.

Advertisement

Faahfaahino laga helaayo dagaalka ayaa cadeynaya in dagaalka uu ku dhintay taliyihii Ciidamada Degmada Bardaale oo lagu magacaai jirey Caliyow Boorow.

Sidoo kale dhimasho kale iyo dhaawacyo ayaa jira soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maleshiyo beeleed hore magaalada looga saaray oo xiisadaani ahayn wax cusub balse ay dib ugu soo laabteen xili aaney jirin cid xalisay wixii hore u keenay dagaalka.

Masuuliyiinta Maamulka Koonfur-galbeed wali kama hadlin dagaalkaasi uu ku dhintay sarkaalka sare iyo waliba khasaaraha kale uu keenay dagaalkaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here