MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo qabqatay ganacsato dhawaan la macaamishay kooxda Alshabaab.

NISA ayaa ku eedeysay Ganacsatadaan inay alshabaab siiyeen lacag baad ah xili ay hore uga digeen in xiriri nuuc kasta ha ahaatee lala yeesho dagaalamayaasha Alshabaab.
Wararka NISA ku dhaw dhaw ayaa sheegaya in Ciidamadu ku raad joogaan ganacsato kale oo iyagana sidaas oo kale alshabaab xiriri la sameeyay inkastoo badanaa ay ku andacoodaan inay cabsi naftooda ah u bixiyaan lacagaha Alshabaab warsadaan balse NISA u taqaan lacag baad ah.
Ganacsatadaan ayaa la sheegay in ciidamadu mudaba dabagal ku hayeen kadibna la soo qabqabtay,NISA waxay mar kale ugu baaqday ganacsatada inay ka digtoonaadaan inay la macaamilaan alshabaab.
War lagu daabacay warbaahinta Dowlada ayaa lagu sheegay in Alshabaab lacagtaasi baada ah ay ku dooneyso inay isla shacabka ku dhibaateyso markay ka qaado.
“Hay’ada Nabad sugida Qaranka waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hintida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed sidaas darteed waxaa la farayaa dadweynaha in ay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijtu”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of map and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here