Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa keenay qorshe xabad jooji looga gaarayo dagalka marinka Gaza kaasoo Yuhuuduna aqbashay inkastoo Xamaas aan la ogeyn inay aqbali doonto.

Joe Biden wuxuu soo jeediyay Jimcihii shalay heshiis xabbad-joojineed  oo Yuhuuduna aqbashay kaasoo ah in marka hore dagaalka la joojiyo mudo mudo 42 maalmood ah kadibna la diyaariyo qorshe looga gudbi karo xabad joojin rasmi ah oo aan kumeel gar ahayn.

Advertisement

Joe Biden oo ka hadlayay aqalka cad wuxuu intaasi ku daray in heshiiska uu ku jiri doono in maxaabiista laga heysto Yuhuuda kuwaasoo jilcan waayeelka,dumarka iyo caruurta la sii daayo,sidoo kale la sii daayo muwaadiniinta Mareykanka ee iyagana la heysto.

Dhanka kale waxaa heshiiskaasi ku lifaaqan in iyagana la sii daayo Falastiiniyiinta ku xiran xabsiyada Israa’iil.

Heshiiskaan hadii qalinka lagu wada duugo waxaa kale oo ku jira in ciidamada Yuhuudu ka baxaan goobaha shacabku ku badan yahay ee marinka Gaza.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here