MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xukuumada Faderaalka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday inay diyaarisay ciidamo Soomaali ah oo badeli doona kuwa Midowga Afrika ee magaca ATMIS ku jooga Soomaaliya.
C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ah Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay Ciidamada Dowlada ay shaqadooda amni ee dalka ku filan yihiin ayna si rasmi ah ula wareegi doonaan amni dalka marka dhamadka sanadkaan ay baxaan Ciidamada ATMIS inta ka hartay.
“ma jirto waxwalaac ah oo laga qabo ciidamada Qarankena Soomaaliya,wayna u diyaarsan yihiin inay badalan kuwa ATMIS”ayuu yiri Wasiir Fartaag
Wasiirka wuxuu sheegay in Madaxtooyada oo kale ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada Qaranka tan iyo markii ATMIS laga wareejiyay,sidaas oo kalana ay meel kasta u diyaarsan yihiin ciidamada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.
Mar uu soo hadal qaaday ciidamada beelaha ee loo yaqaan macawisleyda ayuu carabka ku adkeeyay in Ciidamada Dowladu la kaashan doonaan amniga Dalka kuwa mcawisleyda ee hadaba kula jira dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.
Wasiirka oo tusaale u soo qaatay in Amniga ay ku filan yihiin kuwa Qaranka Soomaaliyeed ayaa soo tiriyay gobolada Shabeelooyinka, Hiiraan, Baay, Bakool iyo Jubbaland kuwaasoo ay qaarkood ay ka baxeen balse markiiba ay la wareegeen kuwa Soomaalida.
“ilaa iyo hada amniga meelihii ay dhawaan ka baxeen waxaa sugaya ciidamada qaranka oo la wareegay sida shabeelooyinka,Jubaland,Bay,Bakool iyo Hiiraan”ayuu yiri Wasiir Fartaag.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM