Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ayaa booqasho ku tegay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana kusoo dhaweeyay danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Amb Jabril Ibrahim Abdulle .
Gudoomiye Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.
kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta Safaaradda ayuu danjire Jabril Ibrahim Abdulle uga warbixiyay howlaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed loo qabto.
Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur iyo wafdi Xildhibaano ah oo la socda ayaa howlo shaqo u yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Advertisement