RIYAD (DAYNIILE.COM)-Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Madaxweynaha  Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.
Fariinta Madaxweyne Xasan ayaa  ku saabsaneyd dhanka diblomaasiyada iyo xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.
Dhanbaalka Xasab waxaa qaaday oo gaarsiiyay Boqortooyada Sacuudiga Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia Danjire Dahir Maxamuud Geele.
Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Siyaasadda ee Boqortooya Sacuudiga,Daljire Sacuud bin Maxamed Al-Sati ayaa dhambaalka gudoomay markii uu xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia Danjire Dahir Maxamuud Geele waxaana qorshuhu yahay inuu gaarsiiyo Boqorka Dalka Sacuudiga.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here