Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ayaa la filayaa in ay go’aan ka gaarto 3pm xiliga maxaliga ah (13:00 GMT) codsi deg deg ah oo ay South Africa u dirtay Israel si ay u soo afjarto duulaanka ay ku heyso Rafah.

In ka badan 900,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku barakacay dagaallo laba toddobaad gudahood ah, waxayna hadda la’yihiin hoy, cunto, biyo iyo dawo.

Advertisement

Agaasimaha caafimaadka ee Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ayaa sheegay in aysan jirin wax shidaal ah oo ku shaqeeya koronto dhaliyaha, koronto la’aana “dhammaan bukaanada waxaa lagu xukumi doonaa dil”.

Taangiyada iyo ciidamada Israel ayaa u dhaqaaqay dhanka koonfur bari ee Rafah, iyagoo u jihaystay dhanka degmada galbeedka ee ay dadku ku badan yihiin.

Ugu yaraan 35,800 oo qof ayaa lagu dilay 80,011 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here