MASAGA-WAA (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada ee Deegaanada Mesewagaaa nin ka tirsanaa kooxda Alshabaab.
Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Cali ibrahim Qoobey (Cali Ceel-joog) ayaa mudo 2 sano la soo shaqeeyay kooxdaan Alshabaab.
Cali Ceel-joog wuxuu sheegay inuu Alshabaab kaga soo biiray degmada galcad ee Gobolka Galgaduu xili tababarkana uu ku soo qaatay deegaan u dhexeeya Sakow iyo Bu,aale ee Gobolka Jubada dhexe.
Ninkaan oo si gaar ah uga tirsanaa waxay ay alshabaabku u yaqaanaan Jabhadaha ayaa uga soo cararay kooxdaasi nolol xumida ka jirta duurka sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement