Sarkaal ka tirsan Hay’ada Bisha Cas ee Iran oo ku sugan aagga ay howlgallada baaritaannada ka socdaan ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray warar aan la xaqiijin oo sheegaya in la helay diyaaraddii uu la socday Madaxweynaha Iran ee ku dhacday meel duur ah.
Weriye ka tirsan telefishinka dawladda ee aaggaas ayaa sidoo kale soo xigtay wasiirka tamarta Ali Akbar Mehrabian in aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay.
Advertisement
Balse weriyaha ayaa sheegay in kooxaha baadigoobka iyo samatabbixinta la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin meel labo kilomitir u jirta aag ay suurtagal tahay in helikobterka laga helo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement