sida lagu baahiyay warbaahinta Dowlada Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle , kulankaan ayaana diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’aadannimo.
Kulanka ayaa si weyn loogu gorfeeyay saameynta ka dhalan karta roobabka da’aya, raadadki El-nino iyo sidii ay hay’adda SoDMA gargaar ula gaari laheed gobalka Geddooo fatahaadihii sanadki hore wax-yeello xooggan gaarsiiyeen.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Hay’adda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaas.
Advertisement