BANGKOK (DAYNIILE.COM)-Wafdi ka socda Dowlada Somalia ayaa ka qeybgalay shir gobolleedka IOTC ee ka socda magaalada Bangkok, ee dalka Thailand.
Shirkaan waxaa Dowlada Somalia ku matalaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah Cabdi Diirshe kaasoo shirka ka jeediyay warbixin ku saabsan la-dagaallanka Kalluumeysiga Sharci darrada ah.
Agaasime Cabdi Diirshe wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Xukuumada Somalia ka go’an tahay la-dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ee ka dhaca biyaha Soomaaliya.
“waxaan wadnaa qorshayaal Wasaarada kaluumeysigu diyaarisay oo heer caalami ah kaasoo looga hortagaayo Kalluumeysiga sharci darrada”ayuu ku yiri warbxintiisa Agaasime Cabdi Diirshe
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement