Dalal badan oo reer Yurub ah ayaa ka shiray inay go’aan mideysan ka qaataan sidii ay wada-jir uga hortagi lahaayeen tahriibayaasha ka kala yimaada Afrika iyo Aasiya.
Kulankaan waxaa yeeshay 15 dowaldood oo ku wada jira Midowga Yurub kuwaasoo isku raacay in la adkeeyo siyaasada magan-gelya doonka gaar ahaan kuwa u qulqulaya yurub.
Advertisement
Dalalka Midowga Yurub waxay sidoo kale isku raaceen in magan-gelya doonka aan diiwaan gashneyn loo fududeeyo sidii loogu gudbin lahaa waddamo saddexaad.
Talaabadaan ayaa imaaneysa xili dhawaan guud ahaan dalalka Midowga Yurub isla garteen in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka magangaliyada iyo socdaalka ee dalalkan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement