MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa qaaday talaajooyin uu ku hagaajinayo bilicda laamiga iyo goobaha ganacsiga ee Degmadaasi.

Howlgal uu hogaaminayo Gudoomiyaha ayaa lagu soo xir-xirey goobo ganacsi iyo shaqsiyaadkii lahaa kadib markii ay buriyeen amaro hore uga soo baxay Maamulka Degmada.

Advertisement

Ganacsato iyo dad kale oo ka badan 50 ruux ayaa xabsiga la dhigay markii lagu eedeeyay inay wax u dhimeen bilicda iyo Nadaafada Degmada.

Gudoomiyaha Degmada Hodan Cali Axmed Faarax ayaa sheegay in ganacsatada la xirey hore loo siiyay digniino ku aadan inaan laamiga qashin lagu shubin lana ilaaliyo bilicda Degmada.

“Reer Hoddan horaan u balanay in sedex arin laga wada shaqeeyo kuwaasoo kala ah nadaafada ‘Nalaynta iyo dhireynta Degmada”ayuuu yiri Gudoomiye Cali Axmed Faarax.

Mar uu shacabka iyo Ganacsatada Degmada Hodan qancinayay wuxuu u sheegay in xitaa kuwa Dowlada ku jira ee garaadaha xiran aysan ka aqbali doonin inay nadaafada ku ciyaaraan.

“CID-da sow maaha Hay’ada danbi baarista Dalka iyaga xitaa ka yeeli meyno inay nadaafada ku ciyaarto, sidoo kale kuwa garaadaha xiran iyo shacabka waa isu keena mid”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Hodan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here