MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hay’adda Tayo-dhowrka ee Dowlada Soomaaliya ayaa mar kale waxay maanta gacanta ku dhigtay bur qoyan oo ah waqtigiisu dhacsan yahay.
Burka maanta la qabtay oo kunteenaro ku jiray ayaa qorshuhu ahaa in loo iibgeeyo suuqyada Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta Hay’adaha ayaa mar kasta waxay ku cel-celiyaan in burka nuucaan ah uu halisna ku yahay nolosha iyo deegaanka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii bakhaar ku yaal suuq-bacaad oo Muqdisho ka tirsan ay isla Hay’adaani ku qabatay bur dhacay oo jawaanada laga badalaayay si shacabka looga iibiyo.
Hay’adda Tayo-dhowrka Somalia bilihii ugu dambeeyay waxay xoojisay baaritaannada joogtada ee Dekedaha, Garoomada iyo bar-xuduudaha dalka si loo xaqiijiyo in badeecadaha dalka soo galaya uu yahay mid tayo ahaan nadiif ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement